Soomaaliya oo aqoonsiga kala laabaneysa Kosovo

Ivica Dacic Ra’iisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibadda dalka Serbia ayaa 22 bishaan Magaalada Muqdisho ku yimid  safar aan la shaacin sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi Serbia.

Kulan ayaa Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo, Wasiir Cawad, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Serbia, waxaana kulankaasi looga hadlay sidii Soomaaliya ay uga laaban laheyd go’aankii xukuumaddii Sheekh Shariif Sheikh Axmed ay dal madax-bannaan ugu aqoonsatay dalka Kosovo sannadkii 2010-kii.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Ivica Dacic Ra’iisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibadda dalka Serbia in Soomaaliya aysan marnaba taageeri doonin dhaqdhaqaaq kasta oo ku saabsan goonni isu’taag iyo aqoonsi-raadis ka hor-imaanaya  xeerarka caalamiga ah, islamarkaana uu laban doono Aqoonsigii Soomaaliya ay siisay Kosovo.

Soomaaliya ayaa ka mid aheyd 69 dal oo dal Madax banaan u aqoonsaday Kosovo Sanadkii 2010-kii, waxaana xiriir wanaagsan yeeshay Kosovo iyo Soomaaliya.

Kosovo ayaa ka go’day dowladda Serbia, waxaana ay ku taalla Koonfurta Bari ee Qaaradda Yurub.

Kosovo dadka kunool 90%  Waa muslimiin, waxaana ay taageeradda ugu badan siiyay dalalka Islaamka oo u codeeyay in ay noqoto dal Madax banaan.