Warbaahinta gudaha dalka malta ayaa ku waramaysa in fanaaniin Soomaaliya ay bandhig faneed galabta ka dhigi doonaan Jasiirada dadka qaxootiga u badan ay kunool yihiin ee malta.
Fanaaniintaas ayaa la sheegay in ay kala imadaan doono dalalka yurub sida Norway, Sweden,UK waxaana la sheegay in bandhig faneed lagu talagay arimaha qaxootiga Afrikaan ah in ay ka dhigidoonaan jasiirada malta.
Fannaaniinta dhigayo Bandhigaasi ayaa kala ah Laki Cali, Nasteexa warsame indho iyo Subeyr Xersi oo loo yaqaano DJ Subeyr, kuwaasi oo ka kala yimid dalalka Britain, Norway iyo Sweden.
Bandhigaan ayaala filaya in ay galabta ka soo qeyb galaan Soomaalida qaxootiga ku ah Jasiirada malta,qaxooti kale oo afrikaan iyo waliba qaar ka mid ah dadka ku dhashay Jasiirada, waxuuna ka dhicidoonaan dhismaha Tiyaatarka magaalladda Valletta,
Waa talaabadii ugu horeysay oo ay fanaaniin Soomaaliya bandhiga ugu ka dhigaayaan Jasiirada malta xili qaxootiga kunool halkaas ay banaanbaxyo dhigayaan.


