Falanqeynta Ciyaarta Xiisaha badan ee u dhaxeyso Chelsea & PSG

Paris Saint-Germain iyo Chelsea FC ayaa ku kulmaya knockout UEFA Champions League xilli Sadexaad oo isku xiga, In kasta laba xilli ciyaareed ee Hore midkasta mar ay ku gudbtay sharciga goolasha martida ah.

Kulamadii hore

  • wareega 16 ayay ku kulmeen labadan koox sanadkii la soo dhaafay, markasoo madaxa gool uu ugu dhaliyay Branislav Ivanovic Chelsea ka hor kulankii lugta hore ee Parc des Princes, Edinson Cavani ayaana ka jawaabay goolka kooxda martida loo ahaa.
  • Safka ee Paris 17 February 2015 waxay ahaayeen:

Paris: Sirigu, Van der Wiel, Marquinhos, Thiago Silva, Maxwell, David Luiz, Verratti, Matuidi, Lavezzi (Pastore 81), Ibrahimovic, Cavani.

Chelsea: Courtois, Ivanovic, Cahill, Terry, Azpilicueta, Ramires, Nemanja Matic, Willian (Cuadrado 79), Fàbregas (Oscar 84), Hazard, Diego Costa (Rémy 81)

  • Kulankii lugta labaad ee Stamford Bridge, Paris ayaa laga saaray Zlatan Ibrahimović oo kaarka cas qaatay daqiiqadii 31-aad, gool soo daahay oo Gary Cahill u dhaliyay Chelsea,waxaa madax ku tir tiray David Luiz daqiiqadii 86aad-.

Eden Hazard ayaa markale Hoganaka u dhiibatCheksea isagoo rigoore dhaliyay (96 daqiiqo) lakiin waxaa soo barbareeyay Thiago Silva lix daqiiqo ka hor dhamaadka waqtiga dheeriga ahaa ee ciyaarta.

  • Labada kooxood ayaa ku kulmay wareega quarter-finalka 2014, Paris ayaana guusha 3-1 garoonkeeda ku qadatay ,iyadoo uga mahadcelisay goolasha Ezequiel Lavezzi iyo Javier Pastore iyadoo kan sadexaad uu si qaldan isaga dhaliyay Luiz, oo katirsana Chelsea.
  • Kooxahan Parc des Princes 2da April 2014 Xiddigii usafnaa waxay kala ahaayeen.

 Paris: Sirigu, Jallet, Alex, Thiago Silva, Maxwell, Verratti (Cabaye 76), Thiago Motta, Matuidi, Cavani, Ibrahimović (Lucas 69), Lavezzi (Pastore 85).

Chelsea: Cech, Ivanovic, Cahill, Terry, Azpilicueta, David Luiz, Willian, Ramires, Oscar (Lampard 72), Hazard, Schürrle (Torres 59).

  • lugta hore Chelsea rigoore uu u dhaliyay Hazard ayaa saciday lugta labaad, oo ay 2-0 kubadiyeen Stamford Bridge Bules, iyadoo labada xiddig ee Keydka kasoo kacay ee André Schürrle iyo Demba Ba ay dhaliyeen goolasha, Kooxdii Mourinho ayaa kuso gudubtay waqtigaasi sharciga goolasha martida.
  • Chelsea ayaa sidookale 3-0 kaga badisay Paris- 2004/05, John Terry ka qeyb ahaa goolasha.
  • Kooxaha Parc des Princes 14 September 2004 Labada dhinac usaftay waxay kala ahayeen:

Paris: Letizi, Mendy, Cana, Helder, Armand, M’Bami, Pierre-Fanfan, Rothen (Ateba 84), Coridon (Ljuboja 66), Pauleta, Ogbeche (Pancrate 72).

Chelsea: Cech, Ferreira, Gallas, Terry, Bridge, Makelele, Lampard, Tiago, J Cole (Geremi 70), Gudjohnsen (Kezman 11), Drogba (Duff 81).

Paris

 Kooxda Laurent Blanc ayaa higsaneysa muuqaalkii afaraad oo isku xigta wareega quarter-finalka, iyagoo FC Barcelona labadii jeer ee ugu dambeeyay qasaaro kala kulmay 2013 iyo xilli ciyaareedkii hore.

  • guuldarro 3-1 oo Barcelona kasoo gaartay lugta hore 2014/15 quarter-final ayaa ah qaasaraha kaliya ee gurigeeda kusoo gaaray ,37 kulan ee ugu dambeeyay tartamada Yurub (24 guul, 12 barbaro) ayayna galeen tan iyo guuldaradii FC Hapoel Tel-Aviv ay ku garaacday 2006 / 07 wareega group-yada UEFA Cup.
  • Xilli ciyaareedkan waxa ay kaga adkaadeen tartanka gurigooda Malmö FF iyo FC Shakhtar Donetsk oo min 2-0 kaga badiyeen, waxaa barbaro goolal la,aan ah ay kula galeen Real Madrid CF markasoo ay ku dhameyteen kaalinta labaad ee Group A.
  • Kooxda PSG ayaa la ciyaartay 11 kulan kooxaha Ingiriiska iyadoo rikoorka W2 D5 4 guuldaro. Ah ka wata.

Chelsea

 2004 qasaarihii Paris ay ku gaarsiisay gurigeeda,ayaa ah tan kaliya oo ay Chelsea kaga gaartay ciideeda kooxda PSG, todobadii booqasho ee ugu dambeeyay.

Waxaa aga badiyay Chelsea afar ka mid ah 14 kulan ee kooxaha Ligue 1 ay wajaheen,

  • Chelsea ayaa ku garaacday kooxdii Blanc uu tababaraha u ahaan jiray ee FC Girondins de Bordeaux 4-0 wareega group 2008/09 ka hor inta barbaro 1-1 lagu gelin France.
  • Blues ayaa dooneysa in ay gaaraan markii afaraad quarter-final lix sano ee also dhaafay, iyo markii toddobaad tobanka sano ee la soo dhaafay.

Xaqiiqada qarsoon

Tababare iyo ciyaaryahan Xiriirada hore u dhaxmaray

  • Luiz ayaa ku biiray Paris 2014 ka dib markii uu saddex sano iyo bar ku qaatay Chelsea oo uu 81 kulan u saftay Premier League, isagoo u dhaliyay lix gool.
  • Waxa uu ciyaaray 120 daqiiqo oo buuxda final 2012 ay Chelsea ku wajahday FC Bayern München, isagoo tuuray mid kamid ah rigoorooyinkii Bules,waxaa sidookale uu u ciyaaray Chelsea Finalkii UEFA Europa League 2013 ay ka qadeen SL Benfica ciyaar ka dhacday Amsterdam,lakiin caawa waxa uu ka hor imaan doonaa kooxdisii hore.
  • Waxaa jiray ciyaartooy Stamford Bridge iyo Parc des Princes kawada ciyaaray,waxaa kamid ah: Alex, Claude Makelele, Nicolas Anelka iyo Mateja Kezman
  • Blanc ayaa xirfadiisa ciyaaraha kusoo gabagabeeyay Horyalaka Ingiriiska isagoo u ciyaari jiray Manchester United FC intii u dhaxeysay 2001 iyo 2003, waxaana labadii kulan ee horyaalka uu ku wajahay Chelsea uu ka dhaliyay goolal xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeysay – 3-0 guul ah iyo barbaro 2-2 ah oo garoonka Stamford Bridge ay ku gashay kooxdiisa,waxaana uu dhaliyay goolka labaad.
  • 2010/11 Hazard ayaa ka caawiyay kooxda Lille 1-0 inay ku garaacdo Paris finalka French Cup; toddobaad kadib wuxuu usuurta galiyay kooxidisa Lille inay ku gasho Parc des Princes markasoo aheyd markii ugu horeysay oo laba kulan qasaaro ah ay kala kulmaan kooxdan tan iyo 1946.

Xididga Belgian ayaa laga badiyay kaliya hal kulan sagaalkii kulan eee Ligue 1 uu ku wajahay Paris,

  • Loïc Rémy ooh ore ugu soo ciyaaray Marseille intii u dhaxaysay 2010 iyo 2013, ayaa ka qeyb ahaa goolasha markii 3-0 kaga badiyeen kooxdiisa Ligue 1 Paris November 2011; César Azpilicueta ayaa sidookale mid kamid ah goolasha Marseille dhaliyay.
  • Di María, ayaa usoo ciyaaray kooxda England ee Manchester United (2014/15), ,halka Benjamin Stambouli, uu usoo ciyaaray kooxda Tottenham Hotspur FC (2014/15).
  • Saxiibada kooxda ama Qaran wadaagay.

Kurt Zouma, Rémy, Matuidi iyo Layvin Kurzawa waxay wadaageen qolka labiska ee (France)

Thiago Silva, David Luiz, Lucas iyo Marquinhos, Oscar iyo Ramires waxay wadaageen qolka labiska ee (Brazil)

  • Oscar ayaa dhaliyay gool kulan Brazil ay 3-0 kaga badiyeen ciyaar saaxiibtinimo, Blaise Matuidi oo hadda u ciyaara PSG ayaa France kamid ahaa 9 June 2013 ciyaartaas o oak dhacday Porto Alegre.
  • Matuidi ayaa dhaliyay labadii gool ee France ay 2-1 uga badisay Serbia oo uu katirsanaa Ivanovic 7 September 2015 ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Bordeaux.
  • Hazard ayaa gool dhaliyay, isagoo kabtan u ahaa Belgium oo ay kasoo muuqday Thibaut Courtois ciyaar 4-3 kaga badiyeen France Stade de France.kulan saaxiibtinimo oo dhacay 7 June 2015.
  • Lavezzi ayaa u dhaliyay Argentina goolka barbaraha ciyaa kusoo dhamaatay 1-1 oo ay wajaheen Brazil oo xiligaas ay kamid ahaa Willian ,ciyaar dhacday 14 November 2015,kana tirsaneyd isreebreebka koobka adduunka 2018 tasoo ka dhacday Buenos Aires, Angel Di Maria ayaa sidoo kale kulankaas ciyaar iyadoo Luiz uu seegay,halka Oscar kursiga keydka uu ahaa.

XAQIIQOOYINKA

  • Paris ayaa 16 kulan oo isku xigta tartamada oo dhan ay badineysay lasoo gabagabeeyay markii ay barbaro 0-0 garoonkeeda kula galeen kooxda Lille sabtidii, Blanc ayaa nasiyay kulankaan Ibrahimović, Maxwell, Thiago Motta iyo Thiago Silva.
  • Pastore oo dhawac ku maqan tan iyo 16 January, iyo Marco Verratti oo 31 January, gumaarka ka dhawacmay ayaa laga yabaa inay dib u helaa safashadoodii ugu horeysa.
  • Kooxda Blanc ayaa laga badinin 44 kulan oo gudaha ah ,lakiin kama mid ahan Super Cup Faransiis oo Montreal ee dhacday February 3,), 35 ka mid ah waa Ligue 1. waana rikoorka ugu qaalisan ee abid Faransiis laga sameeyo 32 kulan hore waxaa rikoorka gulaha ugu heysatay kooxda FC Nantes.
  • 10 February, Ibrahimovic ayaa labo gool ka dhaliyay kulan ay 3-0 French Cup kooxdiisa kaga badisay Olympique Lyonnais, Waxay booqan doonan AS Saint-Etienne wareega sideed dhamaadka March 2.
  • Blanc ayaa saxiixay heshiis laba sano ah 11 February, isaga kooxda lasii joogi doona ilaa iyo 2018.