Wasiirka warfaafinta ee maamulka Khaatuma Axmed Xaaji Cali, oo lahadlay idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in maamulka Soomaaliland ay masuul ka yihiin dhibaatooyinka iyo xiisadaha kajira degmada Buuhoodle, kadib markii halkaasi Somaliland ay keentay ciidamo badan oo sameeya diiwaan galin.
Waxa uu sheegay in masuuliyada wixii halkaasi ka dhaca ay qaadanayan maamulka Soomaaliland, isagoo xusay in dhinacooda ay u taagan yihiin difaacida shacabka iyo deegaanada ay maamulaan.
Degmada Buuhoodle iyo deegaano kale oo oo ay maamusho Khaatuma waxa marar badan weeraro ku qaaday ciidamada Somaliland halkaasina waxaa ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Somaliland ayaa dhankeeda marar badan ku eedeysay maamulka Khaatumo iney masuul ka yihiin dilal iyo dagaalo dhowr jeer ka dhacay degmada Buuhoodle iyo deegaano kale oo ku xeeran degmada.
Labada maamul ayaa isku heysta gacan ku heynta deegaanada Sool,Sanaag iyo Ceyn.


