Agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray kaga falceliyay xiisadda markabka hubka siday ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in si sharci darro ah loogu qabtay Puntland.
Fahad ayaa si adag ugu dhaliilay madaxda maamul goboleedyada iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.
Warka Fahad ayaa u qornaa sidan:-
LABO FARRIIMOOD OO LA XIRIIRA MARKABKA HUBKA
Fariinta Koowaad: Madaxweynaha Puntland Saciid Deni wuxuu musharax u yahay xilka madaxtinimada heer federaal, haddana wax qadarin uma hayo Dowladda Federaalka, isagoo Puntland kaliya xukuma haddii uu sidaas sharciga ugu tumanaayo maxaa laga filan karaa mustaqbalka? Waa nasiib darro inaysan u kala saarnayn khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan iyo awoodda sharci ee dowladda dhexe.
Fariinta Labaad: Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, si sahal ah waraaqo wey u soo saari karaan marka ay kasbanayaan dareenka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, laakiin, wey ka aamusayaan marka Dowladda Federaalka laga gardaran yahay. Waa muhiim inay muujiyaan dareen qarannimo, ayna Dowladda Federaalka garab istaagaan marka la afduubanayo hanti ay Dowladda Federaalka si sharci ah ku fasaxday.




