Laacibka khadka dhexe ee kooxda kubadda cagta Chelsea, Cesc Fabregas ayaa aaminsan in xiddiga ay ka wada tirsan yihiin naadiga Blues ee Eden Hazarduu ku guuleysan doono abaal-marinta xiddiga ugu fiican kubadda cagta Adduunka ee Ballon d’Or.
Hazard ayaa saameyn ku yeeshay labadii horyaalka Premier League ee ugu dambeeyay oo ay qaaday kooxda Chelsea, laakiin waxaa lagu garaacay xiddiga sanadka ee xilli ciyaareedkii hore waxaana ku guuleystay N’Golo Kante.
26-sano jirkaan reer Belgium kaasoo dhaliyey xilli ciyaareedkan illaa iyo hadda 8 gool ayaa la heer ah Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo inta badan abaal-marintan kala qeybsaday sida uu qabo Fabregas.
“Waa ciyaaryahan si wacan u ciyaari kara, marka ay sheekadu tahay waji ka waji ama qof iyo qof, kubadda waa uu haysan karaa inta uu doono, waa uu dhaafi karaa qofka hortaagan, awooddiisuna waa kubadda” ayuu u sheegay xiddiga reer Spain u sheegay Sky Sports News.
“Eden Hazard haddii uu doonayo inuu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or waa mid isaga ku xiran” ayuu hadalkiisa ku daray Fabregas.
Hazard ayaa halka ugu sarreysa ee uu ka gaaray tartanka loogu jiro ama kala sarreynta Ballon d’Or xirfaddiisa ciyaareed waxa ay ahayd inuu ka soo muuqday kaalinta siddeedaas sanadkii 2015-kii, kaddib markii ay Chelsea ay kor u qaaday horyaalka Premier League markii afaraad.


