Faahfaahin weerarkii lagu qaaday dalka Jarmalka

Booliska magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayaa sheegaya in nin dabley ahaa oo toogasho ku dilay sagaal qof oo uu ku sugnaa meel lagu dukaameysto oo ku taala magaaladaasi.

 wiil 18 jir ah oo u dhashay dalka Iraan oo muddo dheer ku noolaa magaaladaasi ayaa la sheegay in uu weerarka geystay.

Boolisku waxa ay intaasi ku darayaan in ninkani uu kaligii ahaa isla markaana horeyna aysan uga shakisanayn.

Ninkan ayaa u muuqda in uu is dilay, inkastoo boolisku ay sheegayaan in ay suurtagal tahay in ay toogteen ciidankii halkaa u soo gurmaday.

Dhimashada ka sokow, waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay 16 qof, oo saddex ka mid ah ay xaaladdooda liidato.

Mar sii horreysay ayay mas’uuliyiinta dalkaasi sheegeen in ay suurtagal tahay in ilaa saddex nin oo hubeysan ay ku lug lahaayeen weerarkaasi.