Faahfaahin Qarax ka dhacay Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax Miino oo goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sidda Idaacadda Risaala ay u xaqiijiyeen dadka degaanka Qaraxa oo ahaa Miino ayaa ka dhacay meel u dhow Isgoyska bakaaraha ee Muqdisho, waxaana qaraxday miino la geliyay Goob qashin qub ah.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa meel ku dhow waxaa fadhiista Ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ciidanka Booliska.

Dadka degaanka waxa ay xaqiijiyeen in aysan jirin Cid waxyeelo ay kasoo gaartay Qaraxaasi.