DHAGEYSO: Puntland oo xukun ku riday rag Kufsi lagu eedeeyay

Maxkamadda Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa xukun  ku riday Saddex ruux oo lagu eedeeyay Kufsi wadareed inay ka gaysteen Magaalada Gaalkacyo.

Kiiskaan ayaanan aheyn kii Caa’isho Ilyaas Aadan, balse waa mid ka sii horeeyay oo raggaan horay Kufsiga ay u gaysteen.

Sheekh Bashiir Cumar Gudoomiye ku xigeenka Maxkamadda degmada Gaalkacyo ayaa warbaahinta u sheegay in raggaan lagu riday Xukun isugu jira Xabsi dheer oo 20 Sano gaaraya iyo Ganaax Lacageed.

Xukunkaan xabsiga ah ee lagu riday raggaan, ayaa ku soo aadaya iyadoo si wayn loo hadal haayo kiiska Caaisha Ilyaas Aadan oo wali aanan la soo qaban raggii falkaasi gaystay.