Faahfaahin Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Maanta Barqadii ka dhacay degmada Waabari kaasoo uu ku dhintay 1 ruux.

Gudoomiyaha degmada Waabari ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in uu ku dhintay   wiil dhalinyaro ah oo arday ah  Qarax loogu xiray Gaarigiisa.

Wiikaan dhalinyarada ah ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa dhalinyarada kunool degmadaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray Kursiga uu fadhiisto darawalka , islamarkaana uu ku dhintay Wiilka dhalinyarada ah oo kaliya.