Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo Ra’iisal Wasaaraha dalka uu soo dhaweeyay.
Moussa Faki Mahamat, ayaa Diyaaradii siday markii ay soo caga dhigatay Garoonka, soo dhaweyn wanaagsan wuxuu ka helay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Saraakiisha Amisom.
Intaasi kadib ayaa waxaa loo gudbiyay qaybta nasashada Garoonka Aadan Cadde, halkaasi oo Ra’iisal Wasaaraha iminka kulan ay ku wada leeyihiin.
Masuulkaan ayaa waxaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha dalka uuna kala hadlo arimaha abaaraha iyo ammaanka.
Wadooyinka Magaalada Muqdisho, ayaa maanta loo xiray imaanshaha Moussa Faki Mahamat Gudoomiyaha Midowga Afrika.
30-kii Junuaray ayaa Xubnaha Ururka Midowga Afrika ay u doorteen Mudane Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad,ahna wasiirka arrimaha dibad dalkaas in uu noqdo Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Midowga Afrika sanadaha soo socda.
Waa Booqashadii ugu horeysay ee uu kusoo gaaro Muqdisho .


