Hal askari ayaa ku dhintay dhowr qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen israsaasayn caawa ka dhacday Magaalada Garowe.
Israsaaseynta ayaa ka dhacday Xarunta baarlamaanka maamulka Puntland.
Ciidamo ka tirsan Madaxtooyadda Puntland iyo Ciidamo ilaalo ka ka haayay baarlamaanka ayaa dagaallamay.
Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah fasax saddex maalmood ah u diray xildhibaannada golaha wakiilada Puntland.
Madaxweynaha Puntland iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ka dhex taagan Khilaaf sababay in xildhibaano labadda dhinac kala taageersan ay bilaabeen Mooshin ka dhan ah labadda Mas’uul.



