Kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM oo ka baxay magaalada Muqdisho , islamarkaana ku sii jeeday degmada Afgooye ayaa degaanka Calamada waxaa ay ku jiireen Gaari Caasi ah oo ay Saarnaayeen shacab.
Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhimatay Shilkaasi.
Gaariga ay jiireen Gawaarida AMISOM ayaa ah Caasi kusoo jeeday magaalada Muqdisho , waxaana saarnaa dad badan .
Inta badan dadkii Saarnaa Gaarigaasi waxaa ay noqdeen wax dhintay iyo sidoo kale wax dhaawacmay.
Dadka kunool degaanka Calamada ayaa u sheegay Risaala in Gaariga AMISOM uu dulmaray Gaariga Caasiga ah.
ku dhawaad 15 qof ayaa sidoo kale sidoo kale la xaqiijiyay in ay shilkaasi ku dhaawacmeen.
Inta badan Gawaarida Ciidanka AMISOM ayaa looga bartay in ay Wadooyinka Muqdisho iyo sidoo kale gobolada ay ka howlgalaan in ay ku jiiraan dadka shacabka ah.


