Ciidamada AMISOM ayaa degaanka Calamada ku jiiray Galabta gaari ay saarnaayeen dad shacab ah Sida ay Idaacadda Risaala u sheegeen goobjoogayaal.
Gaariga ay jiireen Gawaarida AMISOM ayaa la sheegay in uu ahaa Minu Bus , islamarkaana uu waday dad shacab ah.
Falkaasi ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.
Dadka ku sugan degaanka Calamada ayaa sidoo kale Risaala u sheegay in ay arkaayeen dhaawacyo iyo Meydad laga soo saaraayay Gaariga ay jiireen gawaarida Ciidanka AMISOM.
Kudhawaad 5 qof ayaa la sheegaya in ay ku dhinteen Falkaasi.


