Waxaa maanta Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya lagu dilay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xukuumaddii Nuur Cadde ee Muxuyadiin Xasan Xaaji,kaas oo lagu dilay Qarax loogu Xiray Gaarigiisa.
Qaraxa ayaa ka dhacay Isgoyska KM4 Ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka isbtitaalka xanaano wad ada hormarta,waxaana la sheegay in Qaraxa loogu Xiray Gaariga Marxuunka dhintay.
Muxiyaddiin Xasan Xaaji ayaa hadda ahaa Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulan oo ka mid ah Xisbiyada ka jira Soomaaliya.
Qaraxyada lagu xiro gaadiidka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana horay loogu dilay dad kala duwan oo isugu jiray, saraakiil, xildhibaano, Wariyeyaal iyo dad kale
.



