Serge Aurier ayaa laga ganaaxay Paris Saint-Germain ka dib markii hadalo qaldan oo video ah uu warbaahinta bulshada soo dhigay ,waxaana uu seegi doona kulanka Champions League ee ay la ciyaareyso kooxdiisa Chelsea Arbacada.
Xiddiga heerka caalami ee Ivory Coast ayaa soo posted-gareeyay video ka jawaabaya su’aalaha taageerayaasha taasoo u muuqtay in la sameeyo comments muranka dhaliya waxaana kujiray tababare Laurent Blanc iyo asxaabtiisa kooxda, oo uu jiray Zlatan Ibrahimovic.
PSG oo soo saartay war qoraal ah ayaa xaqiijisay ganaax daafacii hore ee Toulouse kasoo aan ka mid noqon doonin kooxda wajaheysa Macalin Guus Hiddink lugta hore ee wareega 16-ka Champions League.
“kooxda waxay ogaadeen video inuu ku posted-gareeyay shabakad bulsho Serge Aurier mana ahan wax ay aqbali kartay Paris Saint-Germain, ayaa lagu yiri warka kooxda kasoo baxay.
Mr. Nasser Al-Khelaifi, kooxdiisa ayaa go,aansatay in xididgan la marsiiyo xeerka ciqaabta kooxda u yaala.