Faah faahin weerar Shabaab ay ku qaadeen kolonyo AMISOM ah

Gedo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaalyahani ka tirsan Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ka socda.

Inta la xaqiijiyay 3 Askari oo ka tirsan ciidanka Kenya ayaa weerarkaasi logu dilay halka sidoo kalena 2 Qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Kolonyada ka tirsan ciidanka Kenya ee weerarka lala beegsaday ayaa marayay inta udhaxeysa deegaanka Buusaar  iyo degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo isku jira  qiyaastii 40 KM.

Dadka goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda Risaala usheegay in Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay wadada ugaleen kolonyo ciidanka Kenya ah, sidoo kalena Askar ka tirsan ciidanka Kenya halkaasi lagu dilay.

Al-shabaab oo qoraal kooban ku soo qoray Baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in ay dileen Askar badan oo ka tirsan ciidanka Kenya, sidoo kalena ay gubeen Gaadiid Dagaal oo ay leeyihiin ciidanka Kenya.

Al-shabaab ayaa maalmihii udambeeyay waxa ay xoojinayeen weerarada ay ku qaadaan fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin gobolada dalka.