Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Carbiska iyo 5-ta Golaha Sare ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaasi uu ka dhacay Weerar waqti kooban socday.
Weerarkan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Ciidanka AMISOM oo halkaasi howlo roondo ah ka waday, Weerar ku bilowday Qoryaha garbaha laga tuuro gaar ahaan Qoriga 7-ka ay ku soo qaadeen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.
Ciidanka AMISOM ayaa iska cabiyay raggii weerarka soo qaaday, waxaana halkaasi ku dhexmaray Dagaal kooban oo daqiiqado socday, sida uu so sheegayo Wariyaha Risaala ee degmada Afgooye.
Ciidanka AMISOM ee weerarka lagu qaaday ayaa Subax walba waxa ay sameeyaan howlo roondo ah, dagaalka kadibna waxay la soo baxeen Gaadiidkooda dagaalka, iyaga oo ku jira feejignaan dheeri ah.
Weerakan ayaa khasaare wuxuu ka soo gaaray dad shacab ah, inta la xaqiijiyay Laba qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay, kuwaasi oo dhaawacooda loo soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho.
Dadka ku dhaawacmay weerarkan ayaa waxaa ka mid ahaa Wariye Jacfar Cali Daacad, sida ay warbaahinta Risaala u sheegeen Maamulka Idaacadda Dayax oo ku taalla degmada Afgooye, Wariyaha ayaa xilliga uu dhaawacmayay wuxuu u socday Iskuul uu dhiganayay.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay Risaala u xaqiijiyeen in weerarkan uu jiro, sidoo kalena hada lagu daba jiro raggii weerarka soo qaaday.



