Faah faahin Qaraxyo lagu weeraray Xarunta CID

Labo qarax oo gaadiid loo adeegsaday ayaa lagu weeraray Xarunta Dambi Baarista ciidanka Booliska Soomaaliyed ee loo yaqaan CID.

Xaruntaan oo ku taalo wadada dhinaceeda laamiga Isgoyska KM4 iyo Soobe u dhaxeeya waana  goob aad u mashquul badan oo gaadiidka iyo dadka ay maraan.

Saraakiisha ciidamada Dowladda ee dhanka ammaanka ayaa sheegay in la toogtay raggii hubaysnaa ee isku dayay Qaraxyada kadib inay gudaha u galaan xarunta, raggaasi oo tiradooda saddex ruux lagu sheegay.

Kudhawaad 10 Ruux ayaa la xaqiijiyay Qaraxyada saakay lagu weeraray xarunta CID ee magaalada Muqdisho in ay ku dhinteen, waxaana dhaawac uu soo gaaray tiro intaas ka badan .

Dad shacab ah oo gaadiid saarnaa, qaarkoodna mooto Bajaaj la socday ayaa ku dhintay qaraxyada, iyadoo ay jiraan dhaawacyo kala duwan oo ka dhashay.

Saraakiisha Nabadgelyada Gobolka Banaadir ayaa Saxaafadda waxa ay ugu yeereen Xarunta CID halkaasi oo ay ku faah-faahin doonaan Khasaaraha ka dhashay qaraxyada ka dhacay CID.

Faahfaahin kala soco Risaala.net