DHAGEYSO: Faah faahin Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Lafoole

Lafoole-RisaalaFM- Deeegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa saakay aroortii ka dhacay Qarax geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso taas oo lala beegsaday Gaari BL ah oo marayay Wadada.

Inta la ogyahay 13 Qof ayaa ku dhimatay halka 7 Qof oo kalena uu dhaawac ka soo gaaray, waxaana dadkii ku dhaawacmay Qaraxaasi loo soo qaaday Isbtaalada magaalada Muqdisho.

Maamulka Deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa inoo sheegay in ilaa iyo hada aysan ogeyn sababta loola beegsaday Qaraxan dadka shacabka ah, laakiin ay wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax udhaceen.

Goob jooge ku sugan goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa Idaacadda Risaala usheegay in Qaraxa uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso sidoo kalena ay la kacday Gaari BL ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah.