Xubnaha Lafta gareen taageersan oo garab istaagay Ugaaska Xawaadle iyo go’aankii Maxkamadda Sare

Xubno siyaasadeed oo taabacsan hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa taageero u muujinaya baaqii iyo mowqifkii uu dhawaan soo saaray Ugaaska beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, iyo go’aankii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee Amniga dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir Maxamed, ayaa si cad u sheegay inuu garab taagan yahay mowqifka Ugaaska Xawaadle, kaas oo dhawaan baaq u diray bulshada iyo dhinacyada ay khuseyso xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan magaalada Beledweyne.

Xasan Cabduqaadir ayaa sidoo kale sheegay inuu taageersan yahay go’aankii ay soo saartay Maxkamadda Sare ee dalka, kaas oo dhaliyay dood siyaasadeed iyo falcelin kala duwan oo ka dhex jirta madaxda dowladda Federaalka, mucaaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Taageerada uu muujiyay wasiirkii hore ayaa imaanaysa xilli ay sii kordhayaan xubnaha siyaasadeed ee ka hadlay xaaladda Beledweyne, baaqii Ugaaska Xawaadle iyo muranka ka dhashay go’aanka Maxkamadda Sare.