Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in dabagal lagu daro Qorshaha Hormarinta Qaran ee la sameeyay.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa shalay ka qeyb galay daah-furka Barnaamijka Qorshaha Hormarinta Qaran ee Saddexda sano ee soo socota.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dabagalka markii lagu daro Qorshaha Qaran ee Saddexda sano ee soo socta Qorshahaas uu noqon karo mid sidii loogu tala galay ufula, laakiin hadii dabagal aan lagu darin Qorshaasi aanu udhicin sidii loogu tala galay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in si barnaamijkan uu dhaqangal u noqdo loo baahan yahay in la helo hannaan lagu qiimeeyo qorshaha ku xusan, isla markaana lala yimaado isla xisaabtan iyo isa sixid.
Qorshaha Horumarinta Qaranka oo socon doona muddo 3 sanno ah ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, waxaana arrimaha ugu waaweyn ee uu diiradda saarayo ka mid ah dhimista fakhriga, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dowliga , hirgelinta nidaam siyaasadeed loo dhan yahay xoojinta sharciga, garsoorka iyo amniga.