Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta burburin ka bilaabay xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile, halkaas oo ay ka sameeyeen howlgal lagu duminayo dhismayaal iyo guryo ay leeyihiin dadka deegaanka.
Howlgalkan ayaa dhaliyay caro xooggan iyo dibadbaxyo ay dhigeen shacabka, kuwaas oo ka cabanayay burburinta guryahooda iyo waxa ay ku tilmaameen dhulboob. Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay rasaas ku fureen dadka dibadbaxa dhigayay, taasoo sababtay dhimashada saddex qof iyo dhaawaca dhowr kale.
Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa wiil yar oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Cali Cumar, kaas oo la sheegay in ay toogteen ciidamada dowladda.
Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka beesha Murusade ayaa sheegay in ballanqaadyo hore oo laga sameeyay arrinta dhulka laga baxay, iyagoo baaq degdeg ah u diray dadka deegaanka, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha ka dhashay burburinta.
Dadka deegaanka Warlaliska ayaa dhankooda sheegay inaysan aqbali doonin burburinta guryahooda, iyagoo ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay iska difaacaan tallaabooyinka socda.
Xildhibaan Faa’iza Jeyte oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si kulul u dhaliishay ciidamada loo adeegsaday howlgalka, iyadoo eedeymo u jeedisay qaabka ay ula dhaqmayaan shacabka.
Mucaaradka dowladda Federaalka ayaa iyaguna Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu dib u bilaabay barakicinta dadka, isla markaana uu doonayo in la wareego dhulka danta guud.



