Faah faahin Nabadoon lagu dilay gobolka Shabeelaha Hoose

Sh/Hoose-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan deegaanka Lafoole ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay xalay deegaankaasi ku dileen Nabadoon caan ka ahaa deegaankaasi.

Nabadoonka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Nabadoon C/rashiid Xasan oo ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka deegaankaasi, waxaana kooxaha dilka geystay ay ahaayeen Labo wiil oo dhalinyaro ah kuwaas oo markii ay dilka geysteen ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay sida dadka deegaanka ay Risaala u sheegeen.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in kooxaha dilka u geystay Nabadoon C/rashiid Xasan ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose iyo Ciidamada amaanka ayaa waxa ay gaareen goobta lagu dilay Nabadoon C/rashiid Xasan, waxaana ciidamada amaanka ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo lagu raadinayo kooxihii dilay Nabadoonka.