Faah faahin: Nabaddoon lagu dilay degmada Maxaas

Wararka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Nin Nabaddoon ahaa, sidoo kalena kamid ahaa Ganacsatada degmadaas.

Allaha Unaxariistee  Nabadoon/Ganacsade Xasan Maxamuud Cosoble ayaa waxaa la sheegay in dilkiisa uu ka dambeeyay Nin ay qaraabo dhow yahiin, kaasi oo rasaas ku furay Ganacsadaha, waxaana intaas kadib dhawac ahaan looga qaaday Goobta, ugu Dambeyn uu ku geeriyooday isbitaalka Degmada Maxaas.

  1. Ciidamo katirsan laamaha Amniga Magaalada Beledweyne ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo wada howlgallo ay ku baadi goobayaan Ninkii dilka u geystay Nabaddoonka.