Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa arbacadii u ambabaxay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu kulamo kala duwan la qaato madaxda Itoobiya xilli mad madow uu ku yimid xiriirka kala dhaxeeyo xukuumadda Adis Ababa.
Mad madowga ayaa waxa uu salka ku hayaa buuq iyo isqab qabsi 12-kii Bishan soo kala dhex galay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah kuwa AMISOM islamarkaana kuwada sugan magaalada Kismaayo.
Labada ciidan waxa ay isku qabteen cidii midkood lagu wareejin lahaa 50 ka mid ahaa ciidamadii Bare Hiiraale oo laga soo xareeyay deegaanka Goobin.
Xilligaasi waxaa la sheegay in maamulka Axmed Madoobe uu dalbaday in askarta lagu wareejiyo ciidanka Kenya maadaama kuwii horeyba laga soo kaxeeyay deegaanka Goobin lagu wareejiyay ciidanka Kenya.
Uxaglinta maamulka Jubbaland ee ah in ciidankaasi lagu wareejiyo ciidanka Kenya ayaa waxa ay xumeysay xiriirkii maamulkaas uu la lahaa xukuumadda Adis Ababa waana taa in hogaamiyaha Jubbaland uu xilligan ukictamo dalka Itoobiya.


