Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan oo ka mid ah xubnaha xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta isaga baxay magaalada, waxaana uu gaaray meel duleedka ka ah magaalada.
Sababaha keenay in xildhibaanka magaalada uu ka baxo ayaa lagu sheegay in ay ka dambeysay ka dib markii uu magaalada ku soo weeraray wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo amniga maamulka Jubbaland iyo ciidamo uu watay sida uu sheegay xildhibaan C/fataax oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala.
Wareysiga uu siiyay Idaacadda Risaala Xildhibaan C/fataax ayuu ku sheegay in hada uu ku sugan yahay duleedka magaalada iyadoo kabixitaankiisa magaalada uu ku sababeeyay kadib markii uu weerar ku soo qaaday wasiir ka tirsan maamulka Jubbaland.
Horey ayay aheyd markii kooxo hubeysan xildhibaan C/fataax Nuur Mataan ay ku weerareen maagalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.


