Faah faahin laga helayo dagaal ka dhacay duleedka Beledweyne

Wararka inaga soo deegaanka Qaran Cad ee duleedka magalada Beleddweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay shegayaan in hada u ka socdo dagaal u dhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed oo wadada dega tuuloyin hoos yimada Beledweyne.

Deegaanka Qaran Cad oo 15 KM dhinaca galbeed uga beegan magaalada Beledweyne  ayaa waxaa saakay ka bilawday dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beleed  oo mal mahan uu muran ka dhaxeeyay dhinaca Daaqsin ka ah sida ay sheegayaan dadka deegaanka ah.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay  dhimasho iyo dhawac , iyadoo ilaa iyo hada aan la ogeyn tirada dadka ku waxyeeloobay dagaalka.

Deegaanka oo aan xiriir la sameynay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu barakac ka bilowday si dadka ay uga fogaadaan goobta lagu dagaalamayo.