
Maleeshiyad hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn & guddoomiye ku xigeenka Maaliyada Gobolka Shabeellaha Hoose oo dhexmarayay gudaha dagmadaas.
Dagaal kooban ayaa la sheegay in uu dhex maray kooxaha soo weeray iyo ilaalada Gudoomiyaha degmada Walanweyn, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhintay Wiil Dhalinyaro ahaa oo lagu Magacaabi jiray Abdinasir Maxamed Ibrahim ABOOW, halka laba qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Weli lama oga cidda rasmiga ah ee ka dambeeysa weerarkaas iyo sababta oo weeraray mas’uuliyiinta, iyada oo xaaladda degmada Walanweyn ay saaka tahay mid degan.
Maalmihii la soo dhaafay degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka taagnaa khilaaf u dhaxeeyay Guddoomiyaha degmada iyo kuxigeenkiisa arrimaha Bulshada, kaas oo aan weli xal laga gaarin.



