Faah faahin Iska hor imaad ka dhacay Galgaduud

Galgaduud-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Galgaduud gaar ahaan Deegaanka lagu magacaabo Godin-labe ayaa waxa ay sheegayaan in iska hor imaad halkaasi uu ku dhexmaray Maleeshiyaad hubeysan iyo Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug, kadib markii Maleeshiyada ay dhigteen Jidgooyooyin.

Inta la xaqiijiyay Iska hor imaadkan ayaa waxaa ku dhimatay 3 Qof oo ka mid ahaa labadii dhinac ee Dagaalantay, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 4 Qof oo shacab ha.

Ciidanka Galmudug gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda ayaa  ugu dambeyn ku guuleystay in ay qaadaan Jidgooyadii ay dhigteen Maleeshiyadii hubeysneyd.

Maamulka Galmudug weli kama uusan hadlin iska hor imaadka Ciidanka Galmudug iyo Maleeshiyada hubeysan ku dhexmaray Deegaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud.