Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Wadajir ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi lagu dilay Nabadoon si weyn looga garanayay Magaalada Muqdisho.
Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Cadaan oo ka mid ahaa Ergada soo xuleysa Odayaasha Dhaqanka ee ka qeyb galaya Doorashooyinka sanadkan la filayo in ay Dalka ka dhacaan.
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Nabadoonka, waxaana dilka kadib ay ku baxsadeen Mooto-bajaaj, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Deegaanka.
Ciidanka Amaanka iyo Maamulka Degmada ayaa waxa ay soo gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu u dhacay dilkan.


