Jowhar-RisaalaFM- Waxaa Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ku dhaawacantay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle Canab Axmed Ciise.
Dhaawaca soo gaaray Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka maamulka Hirshabelle, ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii uu la rogmaday gaari ay saarnayd.
Isbitaalka Magaalada Jowhar, ayaa la sheegay in la dhigay dhaawaca Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle.
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, qaarkood ayaa Isbitaalka ku booqday Gudoomiye ku xigeenka.
Xaaladda caafimaad ee Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, ayaa la soo sheegayaa inay hadda wanaagsan tahay, kadib dhaqaatiirta oo daryeel caafimaad u fidiyay.
Warbixinta warkan waxaa Magaalada Jowhar inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Hirshabeelle C/raxmaan Cali Deerey.



