Mudug-RisaalaFM- Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in Ciidanka uu Taliyaha u yahay ay geesteen gabood fallo iyo dhac ay kula kaceen dadka dega Gobalkaasi.
Waxa uu sheegay in aanu ka warqabin haba yaraatee wax dhac ah oo ay ku kaceen Askrta uu hormuudka u yahay, waxa uuna ku nuux nuuxsaday in aanan loo dulqaadan doonin in Askarta ay falalkaasi ku kacaan waaba haday jirto in ay geesteen falal ceenkaasi ah.
Taliyaha ayaa waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday wada shaqeenta ka dhaxeyso Ciidamada Puntland iyo Galmudug waxa uuna sheegay in ay dhax marto wada shaqeen wanaagsan oo uu sheegay in markii ugu dambeeyay ay Ciidamada Galmudug gacanta u galiyeen Puntland gaari laga soo cararay dhanka Puntland.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dad walaalo ah ay dagaalaan ayna ka heshiiyaan, Galmudug iyo Puntalnd ay gacmaha is qabsadeen oo ay ilooween colaadahii dhaxmaray.
Shacabka ku dhaqan Gobolka Mudug ayaa horey Ciidamada ugu eedeeyay in ay u geystaan falal gabood falo ah, iyo dhac mararka qaar ay kala kulmaan.



