Muqdisho-RisaalaFM- Koox hubeysan ayaa nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade waxa ay barkhanimadii maanta ku dileen isgoyska Sanca dhanka xigta degmada Kaaraan ee gobolka Banaadi, sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka.
Laba dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in qeybta sare ee jirka ay ka toogteen Marxuum Cabdulle Maxamuud Cali oo la sheegay in uu ka mid ahaa Ganacstada degmada Kaaraan.
Dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay dhalinyarada dilka geystay in ay goobta ka baxsadeen, ka hor inta aysan halkaasi soo gaarin Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka.
Howlgal ay sameeyeen Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in lagu soo qabtay Hal ruux oo looga shakisan yahay in uu xiriir la leeyahay kooxdii dilka geysatay.



