Puntland oo digniin u dirtay sariflayaasha

Garowe-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka waxa loogu yeero Argagixisada Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay Puntland in aysan aqbaleyn in fowdo lagu sameeyo suuqyada safirka lacagaha ee maamulkaasi.

Wuxuu sheegay dadka sariflayaasha ah wixii hada ka dambeeya in aysan jiri doonin in ay ganacsadaan sharci la’aan, lagana doonayo sarifle kasta damiin ama qof ka masuul ah, oo marka uu qalad geysto loo soo qaban karo.

Muxudiin Axmed Muuse ayaa sidoo kale sheegay sariflayaasha qaarkood in ay yihiin kuwo aan sharci heysan oo doonaya in ay khalalaase iyo buuq abuuraan.

Degaanada Puntland oo saameyn ku yeeshay Abaarihii dalka ku dhuftay ayaa waxaa bilihii ugu dambeeyey ka jirey dhibaato xoogan oo dhanka dhaqaalaha ah, taasi oo saameyn ku yeelatay sicir barar daran oo ka jiray degaanadaasi.