Faah faahin: Dil ka dhacay Magalada Muqdisho

Kooxo hueysan ayaa xalay Xaafad ka tirsan degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir waxa ay ku dileen Nin la sheegay in uu ahaa Shacab, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Jaamacadda Gaheyr ee degmada Hodan, waxaana kooxo ku hubeysnaa bustoolado ay dhowr xabadood qeybaha sare ee jirka kaga dhufteen Nin marayay agagaarka Jaamacadda Gaheyr.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkaas,waxaana ay sheegeen inay dileen sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda oo lagu Magacaabi jiray Yaasiin Maxamed.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay Goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyey howlgallo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey dilkaas wallow ilaa iyo hadda aysan shaacin inay dad ku qabteen.