Faah faahin Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Galgaduud

Galgaduud-RisaalaFM- Wararka Caawa inaga soo gaaraya Deegaanka Biyo-baxdo oo hoostaga Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in maanta gelinkii dambe uu ka dhacay Dagaal u dhexeeya Labo maleeshiyo Beelood oo wada dega degaanka.

Dagaalkan ayaa maalmahan waxa uu ka taagnaa deegaano hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Inta la ogyahay Dagaalkan maanta dhexmaray Maleeshiyo Beeleedkan ayaa waxaa ku dhinta dad tiradooda ay kor udhaafeyso 10 Qof halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

Maamulka Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay Beelahan ku dagaalamaya gobolka Galgaduud ugu baaqeen in joojiyaan dagaalka.

Waxgarad iyo Odayaal ayaa maanta ku baxay Beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya gobolka Galgaduud, waxaana ay halkaasi ka waaan sidii ay nabad udhex dhigi lahaayeen Beelahaas.