Kooxda Espanyol ayaa guul muhiim u ahayd ka gaatay Real Madrid oo ay gurigeeda ku soo dhaweysay iyadoo goolka guusha ka dhalisay daqiiqaddii ugu dambeysay ciyaarta.
Real Madrid ayaa booqatay Espanyol kulan uu ka maqanaa Cristiano Ronaldo oo nasiino la siiyey, laakiin 45’daqiiqo ee hore waa ay ku guuldarreysteen inay gool dhaliyaan labada kooxoodba.
Labada kooxood ayaa isku helay fursado goolal loo filan karay laakiin uma suurto-gelin inay shabaqa gaaraan qeybta hore ee ciyaarta.
Daqiiqaddii 38’aad ee kulankan Gareth Bale ayaa guddoomay kaarka diniinta waxaana uu noqday xiddiga kaliya ee qeybta hore la siiyey kaarka Jaalaha kulanka ayaana ku soo dhammaaday qeybta hore barbaro goolal la’aan 0-0.
Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta labada kooxood ee Espanyol iyo Real Madrid ayaa sameeyey fursado goolal loo filan karay, balse waa ay ku guuldareysteen inay gool dhaliyaan 90-ka daqiiqo ee ciyaarta.
Intii lagu guda jiray saddexdii qaddii ee lagu kordhiyey ciyaarta ee waqti daayaca waliba tii u dambeysay ayey kooxda Martida loo ahaa ee Espanyol ay la yimid goolka qura oo ay guusha kaga qaadatay Real Madrid.
Wiilasha Espanyol ayaa daqiiqaddii ugu dambeysay ciyaarta weerar ay qaadeen waxaa kubbad garab ka soo karoosay Sergio Garcia, waxaana dhul ma dhacdo ka dhaliyey Gerard Moreno oo isagoo ku jira xerada ganaaxa kooxda Real kubbada soo gaartay, waxaana kulanku uu ku soo dhammaaday 1-0 looga adkaaday Los Blancos.



