Madaxwaynaha Turkiga ayaa sheegay in uu doonayo in albaabada loo xiro goobaha wax lagu baro millatariga dalka ayna si toos ah u hoos yimaadaan isaga sirdoonka iyo millatariga.
Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay in qorshahan la horgaynay doono baarlamaanka.
Talaabadan ayaa noqonaysa middii ugu dambaysay ee ka dhan ah inqilaabkii dhicisoobay ee 15 July.
Qorshan ayaa lagu sidoo kale lagu dhimi doonaa qaar ka mid ah ciidammada qalabka sida balse lagu kordhin doonaa saanaddooda.
Xukuumaddu waxay sheegtay in inqilaabkan ay millatarigu hogaaminayeen uu ka dambeeyay Fetullah Gulen kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 246 ruux. Sheekhaas oo Maraykanka ku nool wuu diiday eedaymahaas.
“Waxaan keeni doonaa isbadal kooban oo dhanka dastuurka ah haddii la meelmariyana sirdoonka qaranka ee MIT loo soo gaabiyo iyo abaanduulaha guud ee ciidammada qalabka sida waxay toos u hoos tagi doonaan madaxwaynaha” Madaxwayne Erdogan ayaa sidaas u sheegay talefeshinka A Haber ee dalka Turkiga
Wuxuu intaas ku daray “in la xiri doono iskuulada millatariga lana abuuri doono jaamacad qaran oo millatari”.