EPL: Hordhacyada iyo safafka macquulka ah ee kullamada Premier League-ga ee maanta la ciyaari doono.

Labba kulan oo ka tirsan horyaalka Premier League-ga ayaa maanta illaa caawa la ciyaari doonaa.

Kooxaha safka hore kaga jira kala sarraynta horyaalka ayaa la kala ciyaari doono laba koox oo ka mid ah 10-ka hoose.

Manchester City ayaa kullan xiiso badan Ethihad Stadium kula ciyaari doonto Southampton, waxaana ay u baahantahay guul, si ay hooggaanka horyaalka ugu keli noqoto, ka dib bareejadii xalay Liverpool ay kasoo qaadatay Arsenal.

Dhanka kale Chelsea ayaa Stamford Bridge kusoo dhoweyn doonto kooxda London ay ka wada dhisanyihiin ee Crystal Palace oo toddobaadkii hore bareejo ku hakisay Arsenal.

Blues haddey guuleysato waxa ay ka sara mari doontaa Liverpool oo hadda laba dhibcood ka sarraysa.

Safafka macquulka ee ah kullanka Manchester City vs Southampton

Man City: Ederson; Walker, Kompany, Laporte, Mendy; B. Silva, Fernandinho, D. Silva; Mahrez, Aguero, Sterling.

Southampton: McCarthy; Soares, Stephens, Hoedt, Bertrand; Redmondm, Hojberg, Romeu, Lemina, Elyounoussi, Ings.

Safafka macquulka ah ee kullanka Chelsea vs Crystal Palace

Chelsea: Arrizabalaga; Azpilicueta, Luiz, Rudiger, Alonso; Kante, Jorginho, Kovacic; Willian, Morata, Hazard.

Crystal Palace: Hennessey; Wan-Bissaka, Tomkins, Sakho, Van Aanholt; Townsend, Kouyate, Milivojevic, McArthur; Ayew, Zaha.