Eden Hazard Oo Xushay SADDEXDA Ciyaartoy Ee U Qalma Ballon d’Or

Garabka kooxda Real Madrid ee Eden Hazard oo la weydiiyay xiddigaha uu filanayo inay u qalmaan abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadkan ayaa gabi ahaanba iska diiday xiddigihii sida joogtada ah usoo hanan jiray ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Ronaldo iyo Messi ayaa mudo dheer masraxa ugu sarreeya ee kubadda cagta caalamka soo wadaagayay iyaga oo kusoo kala guuleystay abaalmarintaas min shan jeer walow ay sanadkii ugu dambeeyay waayeen.

Markale ayaa sanadkan ay suurogal tahay in labadooduba ay faro madhan ku baxaan iyadoo tartanka ugu weyn ay kala kulmayaan daafaca Liverpool ee Virgil Van Dijk si lamid ah xiddigaha kooxdiisa ee Sadio Mane iyo Mohamed Salah.

Haddiiba ay jiraan dad qaba in Ronaldo iyo Messi ay markale mudan yihiin Ballon d’Or Hazard ayaa aaminsan in midkood saddexleyda Reds uu u qalmo.

Eden oo la weydiiyay Ballon d’Or cida u qalanta ayaa yidhi “Waxaan siin lahaa ciyaartoy Liverpool ah, Mane, Salah ama Van Dijk ayaa u qalma”.