Eden Hazard ayaa loo magacaabay ciyaaryahankii bishii October bish ugu fiicnaa Horyaalka Premier League ka dib markii uu bandhig wanaagsan ka sameeyay kooxda Antonio Conte.
Kubad sameeyaha Blues ayaa dhaliyay saddex gool afar kulan oo uu u saftay kooxdiisa intii lagu jiray bishaas, kooxda Stamford Bridge ayaana usoo dhaqaaqday kaalinta afaraad ee kala sareynta horyaalka Premier League.
Hazard ayaa dhaafay rikoorkiisii goolasha uu dhaliyay xilli ciyaareedkii hore markii uu dhaliyay goolkiisii shanaad ee xilli ciyaareedkaan kulankii Southampton ee axadii.
Hazard ayaa ku guuleystay codad dhan 27.262, iyadoo xiddiga Arsenal Theo Walcott oo galay kaalinta labaad uu helay codad gaaraya 14.737.
Stoke ciyaaryahanka katirsan ee Joe Allen, Tottenham kubad sameeyaheeda Dele Alli iyo Southampton weeraryahankeeda Charlie Austin ayaa sidoo kale ka mid ah liiska musharaxiinta.


