Ciyaariyahan Ku Maadeystay Islaamka Oo Labo Bilood La Ganaaxay

Ciyaariyahanka olmbikadda biladaha kasoo hooyay ee Louis Smith ayaa labo bilood laga ganaaxay tartamada kadib markii uu dhowan duubay muuqaal uu ku maadeystay islaamka.

Sawirada iyo muuqaalada ayaa qabsaday baraha bulshada waxaana la arkayay isaga iyo saaxibkiisa ciyaaraha jimcsiga Luke Carson oo ku qoslaya muuqaal salaad ah oo ay sameeyeen iyagoo ku qoslayay kalmada ‘Allahu Akbar’. Waxaa uu shegay tan iyo markaas iney soo gaarayeen hanjabaadyo ku aadan in la dili doono.

Xiriirka Jimcsiga Britain ayaa sheegay iney baarayaan ujeedada saxda ah ee arintaan waxaana 27 jirkaan uu hada ku nool yahay cabsi iyo walbahaar.

Ninkaan jimciga farshaxanka ciyaara ayaa raali galin ka bixiyay gafka uu kula kacay islaamka ,waxaana la aaminsan yahay in ganaxaan uu yahay mid la rabo in lagu qanciyo dadka dilka ugu hanjabay xidigaan.

Smith won a silver medal at the 2016 Olympic Games in Rio de Janeiro

Dhowaan isagoo Twitter-ka Iistcimaalaya ayuu dadka heysta diinta islaamka ka raali galiyay qaladka uu sameeyay.

“Waxaan si qoto dheer  uga xumahay muuqaalkii aad dhowaan iga aragteen.

“Ma difaacaayo nafteyda ,waxa aan sameeyay waa qaladanayeen ,waxaan rabaa inaan iraahdo waaan ka xumahay dambiga weyn ee xanuunka igu riday, sidoo kale qoyskeyga ayey sameysay fikrad gaabnideyda ayuu yiri.

Xidigtan ayaa afar bilood kasoo hooyay ciyaaraha olombikada aduunka.