Kulan wacan dhamaaan aqristayaasha sharafta meel kasta oo aad joogtaan, waxaan soo gudbin doonaa 13- qodob oo aan ka baranay kulamadii xalay tartanka Champions Legaue laga ciyaaray.
Dhamaan kooxaha ciyaaray tartanka ayaa midkastaa waxa ay sameysay rikoor u gooni ah, iyadoo dhowr koox sidookale ay xaqiijiyeen inay soo gaareen wareega 16-ka.
1) Markii ugu danbeysay koox England ah ay hesho 12 dhibcood ka dib markii 4 ee ugu horeysa ChampionsLeague waxay gaareen finalka 2013/14.
2) Arsenal ayaa labo gool oo looga hormaray kasoo kabaty markii ugu horeysay kulan Champions League ah tan iyo bishii September 2009 markasoo ay wajaheysay kooxda Standard Liege.
3) Afar ka mid ah lixdii gool ee ugu dambeeyay Arsenal Champions League ayaa waxaa dhaliyay Mesut Özil.
4) kooxda ka dhisan England in 3+ gool wareega group-yada Champions League kaga dhalisaa Barca waa markii ugu horeysay tan iyo 98/99 markaasoo ay wajahayeen kooxda Man United.
5) Manchester City ayaa dhalisay goolasha ugu badan iyadoo wajaheyso Barcelona shan kulan oo Champions League ah.
6) Shantii gool ee ugu dambeysay Olivier Giroud Champions League ayaa dhamaantood ku dhashay meel ka baxsan Emirates.
7) Ilkay Gundogan ayaa ku lug lahaa afar gool labadii kulan ee ugu danbeysay Manchester City.
8) Mesut Özil ayaa si toos ah ugu lug lahaa lix gool afartii kulan ee ugu danbeysay Arsenal (3 ayuu dhaliyay saddexna wuu caawiyay.
9) Lionel Messi ayaa dhaliyay 16 gool 14 kulan ee ugu danbeyay Champions League uu ku wajahay kooxaha Ingiriiska.
10) Arsenal ayaa laga dhaliyay laba gool 15 daqiiqo ee ugu horeysa ciyaarta,
11) Arsenal ayaa kaliya labo kulan shabaqa ilaashatay 10kii kulan ee ugu danbeysay Champions League marti ay ahaayeen.
12) Man City ayaan laga badinin toddobadii kulan ee ugu danbeysay Champions League gurigooda ku ciyaartay.
13) Arsenal ayaan laga badinin seddexdii kulan ee ugu horeysay Champions League wareega group-yada waana markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2011/12.


