Hiiraan-RisaalaFM- Degaanka Wardiinle oo hoosyimaada degmada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay xilli dambe waxaa ka dhacday Duqeyn Diyaaradeed, sida ay sheegeen dadka degaanka oo qaarkood la hadlay Idaacadda Risaala.
Duqeyntan ayaa waxa ay si gaar ah uga dhacday fariisin Shabaab ay ku leeyihiin degaankaasi, waxaana ka dhashay khaasaare kala duwan, inkastoo ilaa hadda aanan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha.
Xogtan oo soo baxday goor dambe oo maanta ah ayaa ilaa hadda waxaanan la ogeyn wadanka laga leeyahay Diyaaradaha fuliyay Duqeyntan, iyada oo maalmihii dambe Diyaraaradaha Mareykanka ay Duqeymo ka fulinayeen Gobolada dalka qaarkood.
Habeen hore ayay aheyd markii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee duqeyn la beegsadeen gaari siday khudaar oo ku sugnaa deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo war ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika lagu sheegay inay beegsadeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku soo socday Muqdisho.



