Duqeyntaan oo aheyd mid diyaaradeed ayaa waxaa ay ka dhacday degmada Jilib oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, waxaana la sheegay in lala beegsaday Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay sheegeen in sigaar ah duqeynta loola beegsaday Sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab oo duqeyntaasi lagu dilay kaas oo ahaa Madaxa Amniga degmada Jilib ee Al-Shabaab.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in xilliga duqeynta ay dhaceysay ay jireen kulamo u socday Xubno ka tirsan Al-Shabaab, hayeeshee aysan jirin faah faahino rasmi ah oo laga bixiyay duqeymahaas.
Dhowr jeer oo hore ayaa diyaaradaha dagaalka e dalka Mareykanka oo taageero ka helayo Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxaa ay duqeymo ka fuliyeen degmada Jilib iyo degaano kale, waxaana Mareykanka uu sheegay in duqeymahaas uu ku dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.



