Gaadiidkaan oo ah nooca xamuulka qaada ayaa waxaa ay ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho, iyaga oo badeecooyin kala duwan u wada degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya, waxaana ay ku xayiran yihiin duleedka degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Darawalada Gaadiidkaas ayaa waxaa ay sheegeen in sababta ay halkaasi ugu xayiran yihiin ay tahay lacago Canshuur dheeraad ah oo ay kusoo rogeen Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Mid kamid ah Darawalada Gaaiidka ku xayiran duleedka degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Risaala u sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ay jidgooyooyin u dhigteen,isla markaana ay lacago faraabdan ka rabaan badeecada saaran gaadiidkaas.
Waxaa uu sheegay in muddo Afar Cisho ah ay ku xayiran yihiin duleedka degmada Walanweyn ku dhawaad 60 Gaadiidka Xamuulka ah,isla markaana iyaga aysan ka warqabin lacagaha dheeraad ah ee Maamulka Koonur Galbeed uu ka doonayo.
Dhowr jeer oo hore ayaa Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee ku safra wadooyinka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose waxaa ay cabasho ka muujinayeen Rag ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda oo jidgooyooyin u dhigtay, kuwaas oo ka doonaya lacago farabadan.



