Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday deegaan ka tirsan Jubbada Hoose

Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Gobolka Jubbada Hoose ayaa tibaaxaya in habeenkii xalay ahaa deegan ka tirsan gobolkaasi ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed.

Duqeyntani ayaa ka dhacday deegaanka Araare ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana soo baxaya warar sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo deegaankaasi isku aruursanayay duqeyntasi lala beegsaday.

Shabaab dhankooda kama aysan hadal duqeyntaani hase ahaatee Saraakiil u hadlay maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in duqeyntaasi khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Shabaab.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweynaha mareykanka Donald J. Trump, waxaa sii siyaaday oo uu amar ku bixiyay in la kordhiyo duqeymaha lagu wiiqayo waxa uu ugu yeeray Argagixisada.