Duqeyn diyaaradeed oo ay ku dhinteen 8 qof oo labo ka mid ah ay dumar yihiin

Ilaa iyo 8 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradaha dagaalka dalka Sucuudiga ay ka geysteen gobolada Sa’ada iyo Hudaydah ee dalka Yeman.

Dadka dhintay labo ka mid ah waa haween .

Diyaaradaha dagaalka dalka Sucuudiga ayaa beegsaday labo gaari oo ay saarnaayeen dad shacab ah oo maraayay degmada Maran ee dalka Yeman.

Sidoo kale duqeynta ayaa waxaa ay burburisay goobo ganacsi iyo sidoo kale dhismayaal ku yaalla Hudaydah sida laga soo xiganayo dadka degaanka.

waxaa sidoo kale la duqeeyay garoonka diyaaradaha Sa’ada , waxaana ku dhintay halkaasi labo qof.

Duqeynta ay ka geysanayaan dalka Yeman diyaaradaha dagaalka Sucuudiga ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo shacab ah sida ay dhawaan sheegtay Qaramada Midoobey.

Xaalada dalka Yeman ayaa kasii dareysa maalinba maalinta ka dambeysa tan iyo markii 2015 ay khalalaaso ka bilowdeen dalkaasi.