Waxgaradka kunool Magaalada Baledweyne ayaa si aad ah u taageeray gudoonka cusub ee Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Kulan ay maanta ay ku yeesheen Magaalada Baledweyne ayaa waxaa ay sheegeen in gudoomiyaha cusub ee Aqalka Sare iyo sidoo kale ku xigeenadiisa laga doonayo in ay la yimadaan isbadel.
Waxaa ay sheegeen in hoggaanka cusub ee baarlamaanka ay yihiin kuwo waxbadan ka badalikara xaalada dalka.
Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay doortaan hoggaan daacad ah oo waxbadan ka badalikara dhibaatada ka jirta dalka.
Shalay ayay aheyd markii magaalada Muqdisho lagu doortay gudoomiyaha Aqalka Sare iyo sidoo kale labadiisa ku xigeen.



